Nuxurka Shirka Jaraa’id Ee Abiy Axmed Uu Siiyay Warbaahinta Maxaliga Ee Itoobiya

Ra’iisul Wasaaraha dowladda Itoobiya, Dr Abiy Axmed oo wariyaasha kula hadlay wadankiisa kadib markii uu ka laabtay dalka Soomaaliya oo uu sodcaal hal-maalin barkeed ku joogay ka hadlay arrimo badan.

Abiy inta uu joogay Soomaaliya wuxuu kulamo la qaatay madaxda Soomaaliyeed, isagoona ugu horeyn shirka jaraa’id ee uu qabtay faah-faahin dheeraad ah uga bixiyay kulankaas.

– Kulanka uu la qaatay madaxda Soomaaliya –

“Maanta Waxaan ku suganaa Magaalada Mogadishu maalin barkeed ama hal galin, waxaan kulanay Madaxweynaha dowlada Soomaaliya, R/wasaraha Xukuumada, iyo afhayeenka barlamaanka iyo ku xigeenadiisa.

“Waxaan kawada tashanay waxyaalo Hami aad u fiican leh, tusaale ahaan xiriirka labada wadan, oo ahaan doona mid Mira dhal ah.

– Colaada Itoobiya iyo Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa carabka ku adkeeyay in colaad uusan ahayn xalka ay kuwada noolaan karaan labo dal oo deris ah, isagoona muujiyay sida ay uga go’an tahay wanaajinta xiriirka xukuumada Muqdisho.

“Ilaa goormaa xasuusnaan doonaa hebel baa hebel dilay, sidii sheeko xariir ilaa gormaan uga sheekeysanaynaa.

“Ilamad iyo baroorta, sidoo kale dhufeys ku jirnaa, ugana shekeynaa dhalinyadeena Siyaad Bare [Madaxweynihii hore ee Soomaaliya] iyo Mengistu Haile Mariam [Hogaamiyihii hore ee Itoobbiya].

“Labo wadan oo walaalo ah intaan kala dili leheyn, waa inaan isku keeno gacanta isku galino runta inaan u daadihino dhalinyaradeena u abuurno kalgacyel.

“Waa inaan is dhex gal labada shacab usameynaa, waa inaan gacmaha is qabsanaa oo latartanaa caalamka sida , America, Europe, Dubai.

– Kheyraadka ay leedahay Soomaaliya –

Dr Abiy ayaa qiray in Soomaaliya ay tahay dalka ugu kheyraadka wanaagsan marka laga hadlo gobolka Geeska Afrika, laakiin wuxuu saluugay in kheyraadkaas aanan looga faa’ideysan si suuban.

“Meelo yar yar intaan kireyn lahayn, maan isku- geyno inaan meelo waa weyn furano, si aan horumar u sameyno waan isku dayi karnaa.

“Soomaaliya waxaa ku yaala meelo waaweyn oo nacfi leh, siduu dhigayo Juquraafiga gaar ahaan meesha ay uga taalo gobolkeena Geeska Africa.

“Waxa ay leedahay xeeb aad u dheer mana ka fa’iideysano, waxa dhaqaalo ku jiro waana ka tuugsanaa.

“Waxaan ogahay hadii aan ka wada fa’iideysano, America ayaa noo soo suuq doonaneysa iyo caalamkaba,” ayuu Abiy Axmed kusoo gaba gabeeyay Hadalkiisa.

Yaxye /risaaq soofe

Fikradaha Akhristayaasha (0)