Nabadoon indha yare oo lagu rasaaseeyay degmada Baardheere. Waa maxay Sababta?

Maamulka degmada baardheere ee gobalka Gedo ayaa jaray in ka badan 42 geed oo liin ah oo ku taalay beer uu leeyahay safiir Aadan Xirsi Ciise (aadan Geedi) oo dhinaca ku haysa buundada degmada baardheere.
Smaamlka iyo saraakiisha ciidanka degmada Baardheere ayaa falkaasi ku sheegay hawlo amaan kadib markii dhawr habeen ka hor ururka alshabaab ay weerar ku qaadeen degmada baardheere .
Sidoo kale wararka aan ka helayno degmada baardheere ayaa sheegayo in odayaal isku dayay in ay ka hortagaan arintan sharci darada ah ay rasaas ku fureen ciidamada maamulkaasi.
Nabadoon indha yare oo ka mid ah odayaasha ugu caansan gobalka gedo ayaa la sheegayaa in ciidamada ay u gacan qaadeen, isla markaana ay ku rideen xabado sida ceelcade news uu u sheegay nabadoon indha yare oo aan kula xariirnay qadka teleonka.
Si kastaba ha ahaatee waa dhac dhadii u horaysay oo ka dhacda somaliya oo hanta muwaadin soomaaliyeed uu leeyahay inta la bur buriyo hadana lagu tilmaamo arimo amni
Wararka Ceelcade news

Fikradaha Akhristayaasha (0)