Dowlada Masar Oo Bilaawday In ay Soomaalida Ka Tarxiisho Dalkeyda.

Muwaadiniin Soomaaliyeed ee ku noola Dalka Masar oo isugu jiray Rag, Haween iyo Caruur ayaa caawa looga galay Guryahooda ayagoo dowlada Masar bilaawday in ay soomaalida kasoo tarxiisho wadankeyda.

Inkastoo la ogeyn sababta loo tarxiilayo ayaa hadane waxaa jira Warar hoose ee sheegaya in Dowlada Masar ay ka xuntahay Dhax dhaxadnimada dowlada Soomaaliya ka qaadatay Muranka khaliijka islamarkasne Soomaaliya Xiriir wanaagsan la yeelatay Dowlada Qadar waxaa jiro In ay aad uga Xuntahay Dowlada Masar Xiriirka wanaagsan Ee ka dhaxeeye Soomaaliya Iyo Qadar.

Dadkan oo tiradooda aya la sheegayaa in gaarayaan 50 qof ayaa waxaa laga soo waday Guryahooda iyo Goobaha ay ku shaqeenayeen hase ahaate waxaa cabsi xoogan soo food saartay dadka Soomaalida ee ku nool wadanka Masar ayagoo waligood wax dhib ah iyo tarxiilad kala kulmin inta ay ku noolaayeen Dalka Masar.

Sida ay ku warameen dadka ku sugan Masar ayaa waxay sheeegayaan in dadka la qabqabtay loo kaxeeyey Xabsi walina wax war kama soo saarin dowlada Masar, waxana isha lagu heyn doonaa muwaadininta soomaalida ee qaxootiga ku ah dalka Masar sababta ka danbeeso In la xirxiro.

Fikradaha Akhristayaasha (0)