Xog ku saab saan dagaal xalay ka dhacay Degmada Baardheere.(sawiro)

Dagaal dhimasho iyo dhaawac geestay ayaa habeenkii xalay waxa ka dhacay degmada Baardheere ee gobalka gedo kaasoo u dhexeeyay ciidamada dawlada fadaraalka somaliya iyo ururka Alshabaab
.
Inta la ogyahay 10 ayaa ka dhimatay halka tira kale ay ku dhaawacmeen dagaal mudo socday kaasoo rurka alshabaab ay ku soo qaadeen fariisan ciidamada dawlada fadaraalka ay ku leeyihiin Degmada baardheere.

Wasiiru dawlaha amniga maamulka jubaland. Maxamed Cabdi kaliil, gudoomiyaha degmada baardheere c/laahi nuur xasan, abaanduulaha ciidamada xooga dalka soomaliya ee gobalka gedo Cismaan Sh Cabdi oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in dagaalkaasi ay ku dileen 10 ka tirsan ururka alshabaab kwaasi oo qaar ka mid ah meedadkooda ay soo bandhigeen.


Mid ka mid ah ciidamadii dagaalka soo qaaday xalay oo ciidamada dawlada ay gacanta ku dhigeen ayaa sheegay in mudo bil ah uu ka tirsanaa Alshabaab isla markaana uu ka soo jeedo degmada jamaame.
Faysal daahir salad
Wararka Ceelcadenews Baardheere

Fikradaha Akhristayaasha (0)