Isgoyska Manabooliyo ayaa caawa lagu dilay Nin halke la dhaawacay Ruux kale.

oordhow ayaa rag ku hubeysnaa bustoolado waxa ay hal ruux ku dileyn mid kalena ku dhaawaceen isgosyka Maana booliyo ee degmada Shibis ee gobolkan Banaadir.

Dad goobjoogayaal ah ayaa waxa ay Dalsan u sheegeen in laba dhalinyaro ah oo hubeysnaa ay toogteen nin la sheegay in uu ahaa askari ka tirsanaa ciidamada taraafilada halka haweeney ka mid aheyd, gancsadada qaadka ay dhaawaceen,iyaga oo intaasi kadib goobta ka baxsaday.

Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in askariga markii la dilay kadib qorigii uu watey laga qaaday,waxaana goobta agarey Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda kuwaas oo baaritaano ka wada.

Hase ahaate caawa kaliya Magaalada Muqdisho waxaa laga fuliyey laba dil mid wuxu ka dhacay degmada waaberi kaas oo lagu magacaabay Cumar Dalxa wuxuna ahaa shaqaale ka tirsan Golaha shacabka waxaana soo badanayo dilalka qorsheysan ee soo maaleegayaan Ururka alshabab.

Fikradaha Akhristayaasha (0)