Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Deegaanka Tukaraq May 27, 2018 –

Wararka laga helayo gobolka Sool ayaa sheegaya in markale maanta dagaal uu ka dhacay deegaanka Tukaraq ee gobolkaasi.

Dagaalka ahaa mid kooban ayaa waxaa la sheegay in Ciidamada Soomaaliland iyo kuwa Puntland uu ku dhexmaray gudaha deegaankaasi.

Illaa iyo hadda lama oga khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalkaasi, mana jiro weli wax war ah oo ka soo baxay labada maamul oo ku aadan iska hor imaadkaasi.

Xiisad kacsanaan ayaa weli laga dareemayaa deegaanka Tukaraq oo ay weli isku hor hor fadhiyaan Ciidamo ka wada amar qaata soomaaliland iyo puntulaand waxaana la fili karaa in uu dib u bilaawdo dagaal hadii aysan u nixin shacabka sooman ee degaankaas ku dhaqan.

Fikradaha Akhristayaasha (0)