Madaxweyne Farmaajo Oo Ku Baaqay In Si Shuruud La’aan Ah Loo Joojiyo Dagaalka Tukaraq May 25, 2018 –

Maalin ka hor Arroornimadii Arbacada aheyd ayaa deegaanka Tukaraq ee Gobolka sool waxaa ka bialawday dagaal u dhaxeeyey Ciidamada Maamulada Puntland iyo Soomaaliland dagaalkaas oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Madaxweynaha JFS ayaa markale ku baaqay in si shuruud la”aan ah loo joojiyo dagaalka ka socda Tukaraq ee u dahxeeyey labada Maamul Puntland iyo soomaaliland.

idoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa kula dardaarmay shacabka Soomaaliyeed in ay garab istaagaan walaalahooda oo dhibaatada ka soo gaartay Roobaabka iyo Duufaanada ku dhuftay qeybo kamid ah Soomaaliland iyo Puntland.

In kastoo xaalada deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool ay Maanta degan tahay ayaa hadana waxaa weli ishor-fadhiya ciidamadii wada dagaalamay,waxana sidoo kale badi dadkii ku noolaa halkaasi ay barakaceyn.

Fikradaha Akhristayaasha (0)