Qoys Boqortooyo ka guurso waaba Dhib shuruudahaan miyaa leysku xiraaa.

15 Waxyaabood oo mamnuuc ka noqonaya Meghan Markel marka uu meherka ku dhaco oo ay Qoyska Boqortooyada ka mid noqoto:-

1. inaysan isa sawir (selfie) geli karin ama qof la gali karin.
2. Inaysan kaligeed albaabka qasriga ka bixi karin – dhaqanka soo jireenka ah ee Qoyska Boqortooyada ayaa qaba inaysan gabadha bannaanka u bixi karin kaligeed ama maxramkeeda la’aantiis.
3. Meghan ma shaacin karto sawiradeeda mana yeelan karto sawir qaade u gaar ah.
4. Ma yeelan karto bar bulsho ama mareeg iyada u gaar ah waa in ay ku biirtaa oo warbixinada bulshada ugu gudbisaa summad qoyseedka @KensingtoRoyal.
5. Ma shaacin karto sawirada iyo muuqaalada dareenka leh ee iyada iyo saygeeda.
6. Ma codeyn karto xilliga doorashada xataa hadii ay qaadato dhalashada dalka ingariiska.
7. Ma xiran karto dhar muujinaya cawradeeda sida ay sameysay faraanti geliskeeda marki ay ku labisatay labiska Ralph Russo ee $7,500 la iibiyo.
8. Ma xiran karto dharka gaagaaban ama midabada il qabadka ah.
9. Ma xiran karto okiyaaleyaasha xaragada.
10. Carrabkeeda bannaanka uma soo bixin karto bulshada dhexdeeda
11. Ma qaadan karto boorsooyinka waaweyn ay dumarka ku xaragoodaan.
12. Kama qeyb geli karto munaasabadaha fashion ka asbuuc laha ah ee ay xubinta ka ahayd.
13a. Ma fariisan karto goob aan loo fasixin
13b. Lugaha isma dul saaran karto
14. Ma seexan karto boqorada oo aan seexan
15. Hadyadaha loo keeno iyada ma furi karto waa in addeegeyaasha qasriga ay furaan.

Fikradaha Akhristayaasha (0)