Maxey tahay Warbixin uu baahiyay FOX9 ee Soomaalida Minnesota ka dibed baxeen?

Soomaalida ku nool Minnesota ayaa dibadbax ka dhigay aqalka sharci dejinta Gobolka ka dib markii ay qoonsadeen warbixin laga daawaday muuq baahiyaha FOX9 taasi oo ka hadleysay arrimaha Jaaliyadda, sharciga xarumaha xanaanada caruurta iyo hanaanka xawilaadaha lacagaha ee Soomaalida ay leeyihiin.

FOX 9 ayaa jaaliyadda ku eedeeyay in ay musuq maasuqaan lacagaha dowladda ay ku taageerto xarumaha xanaanada caruurta ee ay leeyihiin Jaaliyadda Soomaaliyeed.

Lacagtaasi ayuu FOX9 ku sheegay in ay u diraan oo ku taageeraan kooxaha Argagixisada.

Hoggaamiyeyaasha bulshada Jaaliyadda ee Soomaalida ayaa eedahaasi waxay ku tilmaameen been abuur ay ka dambeeyaan kooxaha neceb muslimiinta iyo dadka aan cadaanka aheyn.

Soomaalida ayaa aad uga dhiidhiyay eedeyntaasi waxaana ay doonayaan in ay muujiyaan warbixintaasi inay tahay been abuur iyo waxba kama jiraan.

qeybaha kala duwan ee Soomaalida ayaa ka qeyb ahaa debedbaxaasi ay dhigeen jaaliyadda Soomaaliyeed ee Minnesota.

Fikradaha Akhristayaasha (0)