Daawo: Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir oo sheegay in uu ka shaqeyn la’yahay Xildhibaano Danleey ah

Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir Dr. Aweys Sheekh Cabdulaahi ayaa eedeyn u soo jeediyay qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya isagoo sheegay inuu shaqadii loo xilsaaray uu ka wadi la’ yahay.

“Kuwa Madaxweynaha u taga, kuwa Ra’iisul Wasaaraha u taga waa inta tuugada ah ee annaga aan soo ceyrinay, anniga Golaha Shacabka waxba kama sheegaayi, laakiin qaarkood waalaga shaqeyn la’yahay, qaarkood ayaan la kaftamay, waxaan ku iri Xildhibaano Qaran miyaa tihiin, mise Qareeno qabiil ayaad tihiin, laba qof oo is heysata ayay mid soo raacayaan, Garsoorka waa shaqada ugu adag ee la qabto.” ayuu yiri Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir.

Sidoo kale wuxuu sheegay Guddoomiye Aweys in ay cadaalad daro tahay laba qof oo is heysata in dhinac lala safto, wuxuuna tilmaamay Garsoorka inuu muhiim u yahay shaqada Dowladda, sidaasi darteed ayuu xildhibaanada qaar ka dalbaday in ay joojiyaan faragelinta ay ku hayaan arrimaha cadaaladda.

 

Fikradaha Akhristayaasha (0)